Jubbaland oo fashilisay Qarax lagu xiray gaari uu ahaa Ganacsade

Taliska Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka NISA ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa soo bandhigay qarax miino nooca gaadiidka lagu dhejiyo oo habeenkii xalay aheyd ay sheegeen inay fashiliyeen.

Qoraal kasoo baxay Taliska NISA Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxa la fashiliyay markii horey lagu xiray gaari uu  lahaa mid kamid ah Ganacsatada kunool Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale NISA Jubbaland ayaa sheegtay in lagu guuleystay in gaariga laga furo miinada lagu xiray, iyadoo oo aan waxyeelo gaarsiin gaariga, isla markaana laamaha amniga ay ka horteen arrintaas.

“Hay’adda Sirdoonka & Nabadsugida Jubaland ayaa Fiidnimadii xalay fashilisay Miino nooca Gaadiidka lagu dhajiyo ah oo lagu xiray gaari uu lahaa mid kamid ah ganacsatada Magaalada Kismaayo. Waxaana lagu guuleystay in laga furo miinadii iyada ooo aan waxba soo gaarin gaarigii” ayuu yiri Qoraalka kasoo baxay NISA Jubbaland.

Taliska Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka NISA ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa horey u soo bandhigay qaraxyo ay sheegeen in la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka kunool Magaalada Kismaayo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media