Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Rag hubeysan oo saacadihii lasoo dhaafay dil ka geystay meel ku dhow Xaafadda Aba Gedo ee degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir gaar ahaan halka loo yaqaano Carro gaduudka.
Dilkaas ayaa waxaa loo geystay wiil dhalinyaro ah oo goobta u tegay Dalxiis, isla markaana waxaa raggii hubeysnaa ay falkaas u adeegsadeen Tooreey ama mindi, sida ay ku warrameen Goobjoogayaal.
Ragga hubeysan ee dilka geystay oo laba ahaa ayaa markii hore doonayay inay dhac u geystaan wiilka dhalinyarad ahaa, hayeeshee markii dambe ayey tooreey qeybaha sare ee jirkiisa ugu dhufteen, kadibna sidaas ayuu geeriyooday.
Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Dharkeenley oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in dilkaas uu ka dhacay meel ku dhow xaafadda Aba Gedo gaar ahaan halka loo yaqaano Carro gaduudka oo ah goob dadka ay u dalxiis tegaan maalmaha Khamiista iyo Jicmaha.
Sidoo kale Taliyaha Booliska Dharkeenley ayaa sheegay in dilka loo geystay wiilka dhalinyarada ahaa ay Ciidanka amniga degmadaas u soo qabteen laba ruux, kadib markii la sameeyay baaritaano, iyagoona haatan ku xiran Saldhig Boolis.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa la sheegay in dadka shacabka ah dhac loogu geysanayay Goobta loo dalxiiska tego ku taalla Xaafadda Aba Gedo ee degmada Dharkeenley gaar ahaan halka loo yaqaano Carro gaduudka, waxaana falalkaas geystay rag hubeysan oo burcad ah.