Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kusoo wajahan Magaalada Muqdisho, isagoo kasoo ambabaxay Caasimadda Puntland ee Garoowe.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa Muqdisho uga qeyb gelin doona Aaska Qaran ee Maanta loo sameeynayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr oo maalin ah ku geeriyooday Magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida.
Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa la sheegay in markii Aska qaran loo sameeyo Cali Khaliif uu dib ugu laaban doono Garoowe, wuxuuna inta uu ku sugan yahay Caasimadda dalka uu la kulmi doonaa xubno ka tirsan dowladda Federaalka.
Diiqiiqado kadib ayaa la filayaa in Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kasoo degto diyaarada sida Meydka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif, waxaana gudaha Garoonka lagula tukan doonaa saalada Janaasada.
Mas’uuliyiinta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii lasoo dhaafay shaaciyay in Cali Khaliif Galeyr uu u geeriyooday Cudurka halista ah ee Coronavirus oo haayay laba maalmood.