Dil Caawa ka dhacay Degmada Balcad

Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa gudaha degmadaas uu dilka dhacay.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in mar qura ay maqleen rasaas kadibna ay arkeen Nin meyd ah oo yaalla mid ka mid ah Xaafadaha degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Nin ayaa waxaa lagu dilay bartamaha Wadada dhexmarta degmada Balcad ee ka timaada Afgooye,waxaana dad goobta dilka uu ka dhacay tegay ay sheegeen in shaqsiga la dilay la aqoonsan la’yahay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmada Balcad ayaa goobta gaarey,iyaga oo baaritaano ka wada xaafadaha ku dhaw dhaw halka dilka uu ka dhacay.

Macada weli waxa uu yahay shaqsiga la dilay iyo cida ka dambeysa dilkiisa,welina maamulka degmada balcad kama hadlin dilkaas.

Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor