Dib u dhac markale u yimid Shirka sanadlaha ee Machadka Hiratage ee Garoowe

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa lagu waday inuu ka furmo Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage, hayeeshee markii labaad ayuu dib u dhac ku yimid.

Warar la heylayo ayaa sheegaya in sababta uu u baaqday Shirkaas ay tahay arrimo ku aadan Farsamo, sida ay warbaahinta ka howlgasha Puntland u sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Machadka Cilmi baarista ee Hiratage.

Ajandaha shirka sanadkan ayaa waxaa uu yahay mid diiradda lagu saari doono Xasilinta Dalka amni ahaan, Dhameystirka Dastuurka, Qabashada Doorasho qof iyo cod ah Yagleelida Nidaam Federaal oo shaqeynaya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka, Musharaxiinta Madaxweynaha, qaar kamid Maamulada dalka, Xildhibaano, Wasiiro iyo Mas’uuliyiin kala duwan oo aad u badan ayaa ka qeyb galaya Shirkaas.

Shirka ayaa lagu waday inuu si rasmi ah uga furmo Xarunta Jaamacadda PUS ee Magaalada Garoowe, kadib markii shalay halkaas loo wareejiyay Shirka, maadaama ay Madaxda ka qeyb galeysa Shirka uu qaadi waayay howlkii marka horey loogu tala-galay.

Shalay ayaa lagu waday inuu furmo Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage, hayeeshee waa uu baaqday, sababo la xiriira Xaruntii loogu tala-galay in lagu qabto Shirka ay qaadi weyday Madaxda lagu casuumay shirkaas.

Agaasimaha Machadka Hirata Cabdirashiid Xaashi oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in Shirka lagu casuumay dad ka badan 500 oo qof, waxaana sida uu qorshahu yahay uu socon doonaa saddex maalmood.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media