Wararka aan ka heleyno deegaan ka tirsan Gobolka Gabiley ee ku yaalla Galbeedka Magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay Shil gaari.
Shilkaan ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib ay isku dhaceen laba Gaari oo mid uu yahay NOHA iyo gaari Vitz ah, waxaana uu sigaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Xuunshaley oo ka tirsan Gobolka Gabiley.
Shilka ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday hal ruux, halka 9 qof kalena ay ku dhaawacmeen, wuxuuna gaariga NOHA-da uu kusii jeeday Magaalada Boorama.
Dadka deegaanka Xuunshaley ayaa gurmad deg deg ah u sameeyay dadkii halkaas ku waxyeeloobay, waxaana kuwa dhaawacmay loo qaaday dhanka Magaalada Hargeysa, isla markaana waxaa la dhigay Isbitaalka Weyn ee Hargeysa.
Shilalka gaadiidka ayaa muddooyinkii dambe kusoo badanayay deegaanada Somaliland, waxaana inta badan loo sababeyaa Wadooyinka halkaas ku yaalla oo ah kuwo burbursan iyo darawalada oo si xowli ah kuw gaadiidka noocyadiisa kala duwan.