Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Shil gaari oo ka dhacay duleedka Berbera

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Shil gaari oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Duleedka Magaalada Berbera ee Somaliland.

Shilkan ayaa waxaa la sheegay inuu yimid kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo mid uu yahay NOHA,kaasi oo ay la socdeen dad u badan Tahriibayaal Oromo ah,isla markaana kusii jeeday Magaalada Boosaaso.

Ugu yaraan 10 ruux oo afar kamid ah ay yihiin Dumar ayaa ku geeriyooday Shilka,halka 14 kalena ay ku dhaawacmeen,kuwaasi oo la socday gaariga NOHA-da ah.

Dadka deegaanka ayaa gaaray goobta uu Shilka ka dhacay,iyagoona gurmad deg deg ah u sameeyay dadkii halkaas ku waxyeeloobay,waxaana dadka dhaawacmay loo qaaday Isbitaalka weyn ee Magaalada Berbera.

Dhowr jeer ayaa sidaan oo kale Shil sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay duleedka Magaalada Berbera ee Somaliland,waxaana inta badan Shilalkaas loo sababeyaa waddooyinka halkaas ku yaalla oo ah kuwa aad u burbursan.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media