Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Maxamed bin Salmaan ayaa telefoon u diray Benjamin Netanyahu oo xilligaas Ra’iisal wasaare ka ahaa Israa’iil, si uu ugu fududeeyo arrin ku taagnayd, sida uu shaaciyay wargeyska The New York Times ee ka soo baxa Maraykanka.
Sacuudiga ayaa sanadkii 2019 laga joojiyay isticmaalka barnaamijka wax basaasa ee ay samayso shirkadda NSO Group ee Israa’iil laga leeyahay ee loo yaqaan Pegasus. Baaritaanno la sameeyay ayaa lagu ogaaday in Pegasus ay dowladaha caalamka intooda badan u isticmaalaan dabagalka shakhsiyaadka ay doonayaan inay ogaadaan xogtooda.
Kadib dilkii weriye Jamal Khashoggi, shirkadda NSO Group ayaa la sheegay inay diidday cusbooneysiinta ruqsadda isticmaalka barnaamijka Pegasus ee Sacuudi Carabiya, sida uu ku warramay wargeyska The New York Times.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in kaaliyayaasha dhaxal sugaha ay la hadleen saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga ee Israa’iil iyo sirdoonka Mossad, balse ay ku guuldaraysteen inay soo celiyaan ruqsadda.
Maxamed bin Salmaan ayaa markaa kadib si toos ah telefoonka ugula hadlay ra’iisal wasaarihii Israa’iil ee xilligaas, Benjamin Netanyahu, waxaana uu ka codsaday inuu farageliyo xaaladda.