Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland oo shalay ka ambabaxay Magaalada Garoowe ayaa xalay gaaray Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, halkaas oo uu ka bilaabay kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo Mas’uuliyiin ka tirsan dalkaas.
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweyne Saciid Deni uu Nairobi kula kulmi doono  Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo xubno kale oo ka tirsan Wakiilada Beesha Caalamka oo ku sugan Magaaladaas.
Madaxweynaha Puntland ayaa la tilmaamay in Mas’uuliyiinta dowladda Kenya ee uu la kulmayo kala hadli doono Arrimo kala duwan oo ku aadan doorashooyinka ka socda dalka Soomaaliya iyo qodobo kale oo qorsheysan.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Saciid Deni inta uu joogo Magaalada Nairobi ay halkaas isku arki doonaan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo isna kusii jeeda Kenya.
Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa ah Isbaheysi siyaasadeed oo afartii sanno ee lasoo dhaafay ku wajahayeen Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.