Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay dhaq-dhaqaaqyo Ciidanka oo ka dhan ah Al-shabaab waxaa ay ka wadaan deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidamada ayaa sigaar ah dhaq-dhaqaaqyada uga wada Degmada Awdheegle iyo deegaano kale oo ku teedsan, waxaana la sheegayaan in Saacadihii lasoo dhaafay halkaas ay gaareen Ciidamo badan oo hubeysan.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya inay arkayeen Ciidamo badan oo wata gaadiidka nooca dagaalka, isla markaana ku socdaalayay wadada aada dhanka Degmada Awdheegle ee Shabeellaha Hoose iyo deegaano kale.
Ciidamada ayaa lagu soo waramayaa in ay buux dhaafiyeen furumaha Ciidanka xoogga dalka ee degmada Awdheegle, In kastoo aan si dhab ah loo ogeyn halka ay ku wajan yihiin.
Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga dalka Generaal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa shalay kormeer ku tegay furumaha hore ee dagaalka ee Degmada Awdheegle, isagoo halkaas kula kulmay Saraakiisha Ciidanka.
Sidoo kale Taliyaha oo la hadlaayay Ciidanka ku sugan Awdheegle ayaa waxaa uu u sheegay in Al-shabaab ay ugu tegi doonaan goobaha ee Gobolka Shabeellaha Hoose kaga sugan yihiin waa sida uu hadalka u dhigay.