Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa xalay korrmeer ku tegay Goobo kala duwan oo ku yaalla Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug, isaga oo ay wehlinayeen Mas’uuliyiin kala duwan.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa inta uu ku guda jiray Kormeerka, waxaa uu la caweeyay bulshada Caasimada Dhuusamareeb, isla markaana waxaa uu ka dhageystay talooyin muhiim ah oo ku aadan dhismaha Galmudug tayo leh.
Sidoo kale waxaa uu Madaxweynaha Galmudug u kuurgalay xaaladda amni iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi ee Magaalada, wuxuuna Bulshada ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga.
Kormeerka xalay uu sameeyay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa waxaa kusoo aadayaa, iyadoo Dhuusamareeb maalmo kahor uu dagaal ku dhexmaray Ciidanka dowladda iyo kuwii Ahlusunna ee Isku dhiibay Ciidamada dowladda, waxaana dagaalkaas ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.