Dhallinyaro Somali oo ku dhaawacantay shil ka dhacay Jesiiradda Malta

 

Afar nin oo Somali ah oo da’doodu kala tahay 19 jir, 20-jir, 21-jir iyo 27 jir ayaa si xun ugu dhaawacantay Shil gaari oo aroortii hore ee  saakayto ka dhacay Deegaanka Saint Paul ee Jesiiradda Malta.

Dhallinyaradda Soomaali oo iyagu watay gaari yar oo noociisu ahaa Nissan Mikra ayaa waxa uu ku dhacay gaari kale oo noociisu ahaa Peugeot, iyadoo ay badbaadeen dadkii la socday gaariga kale.

Saldhigga Boliska Qawra ayaa sheegay inay labada gaari ku socdeen Jihooyin iska soo horjeeda , isla markaana baarayaan waxa sababay shilkaasi.

Labo ka mid ah Soomaalida ayaa la sheegay inay soo gaareen dhaawacyo culus, halka labada kalena uu soo gaaray dhaawacyo fudud.

©Radio Dalsan      

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor