Mid ka mid ah Beelaha deggan Wajeer oo doortay Suldaan cusub.

Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay Degmadda Wajeer, si ay u doortaan Suldaanka Beesha.

Dadkaasi oo ka tirsan Beesha degta Deegaanka Fai ayaa munasabaddaasi ku qabtay Deegaanka Tarbaj oo 50-KM dhanka Waqooyi kaga toosan Degmadda Wajeer.

Munaasabadad waxa soo qeyb galay Culumaa’udiin iyo Siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen Xildhibaanka laga soo doortay Deegaanka Tarbaj, Maxamed Cilmi, Safiirka Kenya u jooga dalka Sacuudiga, Maxamed Maxamuud iyo Safiirada Kenya u joogta Iiraan, Ruqiyo Subow.

Suldaanka la caleemo-saaray ayaa lagu magacaabaa Najiib Ugaas Axmed Liibaan, waxaana dooratay 14 Oday Dhaqameed oo ka tirsan Beeshaasi.

Tan iyo markii uu Awoowgiisa Suldan Axmed Liibaan  geeriyooday muddo haatan laga joogo  48-sanno, Beeshu ma lahayn wax Suldaan u ah.

©Radio Dalsan      

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor