Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo gaaray xerada Dhadhaab

Wafdi uu hogaaminayay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaam Hadliye Cumar ayaa goor dhaw gaaray xerada Dhadhaab oo ay ku nool yihiin qaxooti badan oo Soomaali ah.

Wafdigan ayaa horu dhac u ah booqasho uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tagi doono xerada Dhadhaab.

Waxa wafdiga soo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto,iyaga oo kormeeri doono qeybaha kala duwan ee xerada Dhadhaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu isagana isla maanta gaaro xerada Dhadhaab.

Kenya ayaa dhawaan sheegtay iney bisha November xiri doonto xerada Dhadhaab iyada oo ka cabaneysa ammaanka xumo iyo dhaalaheeda oo hoos u dhacay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor