Siyaasiga Max’ed Max’uud Nuur Caalim oo ku nool Dalka Finland ahna la taliyaha dhinaca arrimaha Soomaaliya ee Dowlada Finland ayaa wareysi uu siiyay idaacadda Dalsan ku sheegay in weerarka Hotel Ambasador uu yahay mid saameyn xoogan ku yeelan kara Arrimaha Doorashooyinka ee dalka.
Waxa uu tilmaamay in sanadkaan gudihiisa la filayo in doorasho ay dhacdo lakin hadii Ammaanka uu sidaan yahay aysan doorasho dhici Karin.
Dhinaca kale waxa uu tilmaamay in todobaadkaan sii dhamaanaya la filayo in ay Muqdisho yimadaan Madaxweynaha Turkiga iyo Wasiirka Arimaha Dibada Ingiriiska iyaga oo u baaqan kara sababo ammaan awgeyd.