Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Dr,Nuur Faarax Jimcaale oo Maanta Shir jiraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay sharci daro tahay lacagaha Caymiska ah ee lagu soo rogay gadiidleyda magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay in aan loo bahneyn in shacabka Masakiinta ah la caburiyo islamarkaana wax aysan awood u laheyn la dul dhigo.
Waxa uu ugu baaqay Hay’addaha arimahaas ku howlan in ay ka wan tobaan isagoo dhanka kale ugu baaqay ciidanka Amniga ee gadiidka wadooyinka u taagan si ay lacagahaas uga qadaan ay iyaguna joojiyaan.
Halkaan ka dhageyso.