Dadka la socday Diyaaradda burburtay waxaa ka mid ah Ciyaartoy K/cagta oo u dhalatay dalka Brazil, sida ay sheegtay Wakaalladda Duullimaadka Rayidka ee dalkaasi.
Diyaaradda ayaa la sheegay inay ku dhacday dhul-buuraley ah, waxaana la sheegay inay 6 qof ka badbaaday Shilkaasi.
Kooxaha Gurmadka, Dab-damiyayaasha iyo Saraakiisha Maamulka Masiibooyinka ayaa gaaray goobta ay Diyaaradda ku burburtay.
Barta Twitterka ee Maamulka Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Medellin ayaa lagu sheegay in xaalladda cimiladda oo xun darteed in dhinaca dhulka oo keliya lagu gaari karo goobta ay Diyaaradda ku burburtay.
Dhinaca kale, Kooxda Ciyaartoyda u dhalatay dalka Brazil waxaa la qorsheynayey inay maanta la ciyaaraan Koox ka dhisan dalka Kolombiya.
©Radio Dalsan