Dhageyso:-Xogheyaha NUSOJ”Wariyayaal farabadan ayaa la dhibateeyay balse majirto cid loo soo qabtay”

Xili ay Maanta ku beegan tahay  Maalinta Caalamiga ah ee dambiyada aan la ciqaabin ee ka Dhanka ah Suxufiyiinta Aduunka, ayaa waxaa lagu Wadaa in Maanta Muqdisho lagu qabto Munaasabad lagu maamuusayo Maalintaan.

Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, ayaa kaalin weyn ka qaadan doona qabsoomida Munaasabadaas ka dhaceysa Muqdisho iyo Gobolada dalka Soomaaliya sida uu sheegay Xogheyha NUSOJ.

Xogheyaha Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim Macalimoow oo Wareysi siiyay Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa sheegay in Maalintan ay tahay Maalin la isku baraarujiyo in Gacanta lagu soo dhigo dadka tacadiyadda u geesta Saxafiyiinta.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Sanadkii la soo dhaafay Soomaaliya lagu dilay ilaa Saddex wariye halka Sanadkaan la dilay ilaa 4 Wariye oo qaarkood qarxyo ku dhinteen,taas oo muujineysa in dhibaatada lagu haayo Wariyayaasha in ay socoto.

Waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay dhankooda ay waqti badan geliyeen sidii wax badan loogu qaban lahaa dhibaatada lagu hayo Suxufiyiinta.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Macalimoow.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media