Ra’iisul Wasaare hore Dowladeed oo lagu helay dembiyo Culus

Ra’iisul wasaarihii hore ee Malaysia, Najib Razak ayaa lagu helay dhammaan toddobo dembi oo loo heystay, kuwaas oo la xiriira musuqmaasuq.

Najib oo loo heystay in uu lunsaday malaayiin doollar ah ayaa sheegay in uusan gelin wax dembi ah oo la xiriira musuqmaasuq, ku takrifal awoodeed iyo aaminaad darro.

Kiiskan ayaa loo arkayay mid tijaaba u ah dhaqan-galka sharciga dalkaas iyo dedaalada looga hortagayo musuqmaasuqa. Fadeexadda la xiriirta kiiskan ayaa la aaminsan yahay inay bannaanka soo dhigtay wax isdaba marin iyo musuqmaasuq baahsan oo la sheegay in sanadihii dambe ay ka jirtay gudaha dalkaas.

Go’aanka kasoo baxay maxkamadda ee la xiriira arrintan ayaa lagu sheegay in lacag dhan 10 milyan oo doollar lagu shubay akoonka gaarka ah ee Najib Razak oo ra’iisul wasaare ka ahaa Malaysia sanadihii 2009 ilaa 2018-ka.

“Kaddib markii aan qiimeynay caddeymaha la xiriira arrintan, waxaan ino caddaatay in dacwad oogaha uu soo bandhigay caddeymo lagu qanci karo,” ayuu yiri garsooraha maxkamadda Kuala Lumpur Maxamed Nazlan.

Najib waa uu beeniyay in uu wax khalad ah sameeyay, wuxuuna intaa ku daray inay si khaldan ula taliyeen lataliyeyaashiisa arrimaha dhaqaalaha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media