Xilli xalay ay soo baxayeen warar sheegaya inuu is casilayo Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa waxaa wararkaas si adag uga hadlay xildhibaanada taageersan Guddoomiye Jawaari oo ku sheegay Been abuur lagu doonayo in dadka iyo dalka lagu jahwareeriyo.
Xildhibaan Caasha Koos waxaa ay ka mid tahay xildhibaanada taageersan Jawaari Idaacadda Dalsan ayey u sheegtay in guddoomiyaha ay la joogtay xilliga ay soo baxayeen wararka la xariira is-casilaadda,islamarkaana aysan waxba ka jirin.
Ciddii Faafisay wararkan ayey ku tilmaamtay inuu Faal u qabtay is-casilaadda Jawaari sida ay hadalka u dhigtay,waxayna tilmaamtay inuu sharci ku yimid haddii ay dhacdo iscasilaadna uu si sharci ah isku casilayo,kulan xildhibaanadu ay xalay รย la qaateen guddoomiyaha ayey sheegtay inaysan jirin wax gooni ah oo ay kaga wada hadleen marka laga reebo kulan casho ahรขโฌยฆ.
Iyadoo sidii hadlaysa Xildhibaan Caasha Koos waxaa ay ku baaqday in aan dadka iyo dalkaba lagu jahwareerin warar been abuur ah oo aan culeys kale loogusii darin sida ay hadalka u dhigtay caburin lagu hayoรขโฌยฆ..
Xiisadda u dhaxaysa Xildhibaanada golaha shacabka ee kala taageersan Xukuumadda iyo guddoonka ayaa sii xoogeysaneysa,waxaana istaagay dhammaan dadaaladii lagu doonayey xallinta xiisadaha taagan,xiisadda jirta awgeed waxaa shaqadii ku waayey saraakiil iyo xubna kale oo ka tirsanaa dowladda waxaana laga xusi karaa Jeneral Af-caddeey oo ahaa taliyihii cidanka ilaalada Madaxtooyada oo la sheegay inuu diiday hub ka dhigis lagu sameeyey ciidankii ilaalada u ahaa Guddoomiye Jawaari ee Arbacadii lasoo dhaafay hubka la galay xarunta golaha shacabka ee muqdisho.
Hoos Ka Dhageyso Warbixinta Wariye Maxamed Cabdi Xaan Iidle.