xildhibaan Maxamed Nuuraani Bakar oo kamid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya oo la hadlay idaacada Dalsan ayaa waxa uu sheegay in musuq-maasuq uu ku dhacay dowrashada gudoomiyaha gudiga dhaqaalaha iyo ganacsiga ee baarlamanka.
xildhibaanka ayaa sheegay in asga uu kamid ahaa xunbaha u sharaxan gudoonka gudiga laakiin maanta loo soo diray fariin lagu war galinayo  in ay dib u dhacay dowrashada gudigooda maalinta baritaana ay u’dhacday, wuxuu sheegay xildhibaanka in ay go’aankaas ku baxeen laakiin saacado kadib lagu soo wargaliyay in ay dhacday doorashada gudoonka gudiga dhaqaalaha iyo ganacsiga ee baarlamanka.
Halkan hoose ka dhageyso codka