Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkii xalay lagu qaaday Hoyga Siyaasiga C/Raxmaan Cabdi Shakuur ay ku timid fashil heysta madaxda Sare.
Waxa uu sheegay in tani ay keeni karto in Xildhibaanada Qaranka ay kacdoon sameeyaan isla markaana Xildhibaanada fasaxa galay ay kulamadoodii ay dib u bilaabaan.
Sidoo kale waxa uu sheegay in weerarka lagu qaaday Guriga C/raxmaan Cabdi Shakuur uu daba joogo kacdoonkii ka dhashay labada Xildhibaan ee Xeer ilaaliyaha uu sheegay in xasaanada lagala noqonayo.
“Weerarkii xalay xqiiqdii waa mid madaxda Qaranka ay ku doonayaan in ay ku daboolaan fashilka heysta iyo in looga hortago kacdoonka uga imaanaya Xildhibaanada oo diyaar u ah in ay kulamadoodii caadiga ahaa qabsadaan ayuu yiri xildhibaanka”
Hoos Ka Dhageyso Codka Axmed Macalin Fiqi.