Maalik Maxamed Idiris waa 55 jir u dhashay dalka Pakistan kuna nool dalka Imaaraadka Carabta.
Waxa uu joogto ka dhigtay inuu sannad kasta marka la gaaro Maalinta Qaranka Imaaraadka inuu Calanka dalkaasi kula soo wareego guud ahaan Goballadda dalkaasi.
Sannadkan oo ay u tahay Sannadkii 3-aad ee uu Socdaal Nabadeed ku maamuso sannad-guuraddii 44-aad ee Maalinta Xorriyadda Imaaraadka Carabta, wuxuuna safar lugta ah ku soo maray masaafo dhan 1,050 KM.
Maalik Maxamed Idiris oo 55-jir ah waxa uu safarkiisa bilaabay bishan December 2-dii, wuxuuna safarkiisu ku qaatay muddo 13 maalmood.
Maalintii Isniinta ee Toddobaadkan ayuuna soo gebagebeeyey.
Maalik Maxamed Idiris oo ah Farsama-yaqaan dhinaca Alwaaxda ama Faryaamo waxa uu soo maray magaallooyinka Xata,Maazira, Madam, Kalba, Fujayrah, Khoor Fakan, Diba, Raas Alkhayma Uma Alquwayn, Cajmaan, Sharjah iyo Dubai.
Waxa uu socday 160-KM oo u dhexeysa magaalladda Dubai ilaa Magaalladda Al-cayn, wuxuuna ku soo gebagebeeyey Safaaradda Pakistan ku leedahay caasimadda dalka Imaaraadka Carabta.
Maalik Maxamed Idiris oo ah Aabe leh 5 carruur oo kortay waxa uu maalin socdaa ilaa 60-KM.
Waxa uu maalin kasta socodka bilaabaa 7-da iyo barka subaxnimo, wuxuuna cagtiisa maalaa ilaa 2-da duhurnimo.
Waxa uu u mahadceliyey Ilaahay, marka uu dhamaystay socodka 1,050-KM ee uu ku soo maray dalka Imaaraadka, wuxuuna sheegay inuu sannadkan ahaa mid cimiladiisu fiican tahay.
Maalik Maxamed Idiris waxa u qorsheysan inuu sannadka soo socda safarkiisa lugta ka dhigo mid Caalami ah.
Bisha Maarso ee sannadka 2016-ka waxa u qorsheysan inuu socod lugta ah ku maro 5,000 oo KM laga bilaabo magaalladda Dubai ilaa caasimadda dalka Britain ee London.
Waxa uu sheegay inuu safarkaasi ku dhamayn doono muddo 8 bilood ah,wuxuuna lug ku mari doonaa dalalka Sacuudiga, Qatar, Kuwait oo uu ka geli doono Iraq.
Maalik Maxamed Idiris waxa u qorsheysan inuu Iraq kaga gudbo Turkiga iyo Giriigga ilaa ugu dambeyntii uu ka gaarayo magaalladda London, ka hor inta aan la gaarin Xilliga Xagaaga ee sannadka soo socda.
© Radio Dalsan