Munaasabad abaal marinno kala duwan lagu guddoonsiinayay Dadkii ku guuleystay kuwaasoo isugu jira Tigidho, ballan-qaadyo shaqo iyo Lacago Kaasha ah ayaa Xalayto lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Munaasabaddan oo muddooyinkii dambe soo socotay ayaa waxaa qaban-qaabadeeda iska kaashaday waaxda Dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Wasaaradda duulista Hawada, hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha iyo xarunta Somtex oo ka caawinaysa xagga Tikidhada.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sheegay ujeeddada ugu weyn ee ay munaasabaddani u qabteen tahay inay tahay soo nooleynta iyo dhiirri-gelinta Dalxiiska Soomaaliya.
Wasiir Maareeye ayaa mulkiilayaasha Shirkadaha Dalxiiska ka shaqeeya, Hoteellada waaweyn, Shirkadaha Travel Tourisim-ka faray in ay laga bilaabo Maanta ay isa soo diiwaan geliyaan, si ay wasaraddu u siiso tababarro iyo talooyin, ulana wadaagaan shaqada ay qabanayaan.