Dhawaan Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka  waxa ay wax is daba marin ku eedeeyeen hey’addaha dowladda iyo Gobolka Banaadir,iyaga oo dalbaday inWasaaradda Maaliyadda iyo Gobolka Banaadir laga hakiyo miisaaniyadda Maaliyadeed.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka jawaabay eedeyn ka timid Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka.
Wasiir Beyle ayaa sheegay in lacag kasta halka ay ku baxday ay hayeen,iyada oo qoraal ah,isla markaana qarkood ay horay y gudbiyeen.
Waxa uu sheegay in Arrinta Wasaaradda Maaliyadda iyo Gobolka Banaadir ay u baahan tahay in laga wadatashado,waxana uu sheegay in iyaga iyo gobolka ay siwadajir ah u wadaShaqeeyaan,hayeeshee Guddiga qaladaadka ay tabanayaan ay baaritaano ku sameyn dono.
Isaga oo la hadlayay Warbaahinta Dowladda ayuu sheegay wasiir Beyle in ay diyaar u yihiin inay baartaan dhab ah sameeyay si loo ogaado sax ahaanshaha eedeynta uga timid Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka.