Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka hadlay qarax lagu xiray Gaarigiisa

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacbaka ayaa ka hadlay qarax uu ka badbaaday oo Maanta loogu xiray Gaarigiisa.

Xildhibaanka ayaa qoraal uu soo dhigay Barta Bulshada ee Facebook ayaa waxa uu ku sheegay in qaraxaasi uu ahaa mid ay ka dambeeyaan dad cadaw ah,isla markaana uu ahaa mid loo fududeeyay.

“Marar badan ayaan ka badbaaday shirqoollada cadawga Shabaab laakin kan maanta ee qaraxa gaarigeyga laygu xiray laga yaabee Qorsheynta inuu Cadawga yeesho hasayeeshee waa lagala qeyb qaatay ciddey doontaba ha noqotee oo waa loo fududeeyay sida muuqata kamana hordhacayo baaritaanka.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in mar walba isaga uusan ka tanaasuli doonin u Shaqeynta Qaranka Soomaaliyeed.

Waxaan nafteyda u huray qaranka, qarax iyo weerar laygu soo qaado waa waxaan u soo bareeray oo marna baqdin iguma beereyso.

Qaraxii lagu xiray Gaariga Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa waxaa ku dhaawacmay Darawalka Gaariga iyo Qof la socday,mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor