Dhageyso:-Wasiirka Gaashaandhigga oo ka hadlay Gaadiidka dowlada ka heshay Qatar

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa dowladda Qatar uga mahad celiyay Gaadiidka Gaashaaman oo Maanta ay ku wareejisay Dowladda Soomalaiya.

Waxa uu sheegay in Gaadiidkaan oo gaaraya 86 kuwa Gaashaan ah ay dowladda Qatar ka heleen xilligii loo baahnaa,isla markaan ay qeyb ka tahay tayeynta Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Waxa uu ugu baaqay Madaxda Dowladda Qatar inay joogteen taageerada ay marwalba siiyaan Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor