Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya oo ay wehlinayeen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa gelinkii dambe ee Maanta waxa ay booqdeen Isbitaalka Martiini ee Magalada Muqdisho.
Mas’uuliyiintaas ayaa kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay Isbitaalka oo labadii Sano ee u damebeysay ay Gacanta ku heysay Hay’adda(IIDA),islamarkaana adeegyo Caafimaad oo bilaash ah loogu qabto Shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale Mas’uuliyiintaan ayaa si gaar ah u kormeeray qeybaha ay ku jiraan Ciidankii usoo dhaawacmay difaaca dalka iyo qolalka ay degan yihiin iyo Qolalka Bukaanka lagu baxnaaniyo.
Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Martiini Dr Cabdi Ibraahim Jiya ayaa sheegay in wasiirka qeybaha kala duwan ee Isbitaalka uu kormeeray,isla markaana Isbitaalka uu ka koban yahay 85 Sariirood oo Rag iyo Dumar Carruurba leh,sidoo kalena lagu qabto Shaqooyin kasta Isbitaalka sida Cudurada Guud.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar –dambe) ayaa sheegay in Ibsitaalka Martiini uu ahmiyad weyn ugu fadhiyo dadka Soomaaliyeed,waxana uu sheegay in Isbitaalka ay ka faa’iideysanayaan Shacabka Soomaaliyeed sigaar ah Ciidamada Qalabka sida.
Waxa u sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay Shaqooyinka uu Bulshada u haayo Isbitaalka,isla markaana Wasaaradda Gaashaandhigga ay garab taagnaan doono.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Gaashaandhigga kana Daawo Sawirrada.