Sawirro:- Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Guddoonka Golaha Wakiillada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa waxa ay kulan la yeesheen guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiim Maxamed Axmed iyo labadiisa ku xigeen.

Kulanka oo Saacado qaatay ayaa labada dhinac waxa ay uga wada hadleen masuuliyadaha iyo shaqooyinka hor yaalla Madaxweynaha Puntland iyo guddoonka Cusub.

Madaxweynaha Cusub ee Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta waxaa uu kulan la qaatay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabduweli Gaas iyo Saraakiisha laamaha Amniga Puntland.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor