Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Maamulka Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koorre ayaa waxaa uu eedeeymo kala duwan u jeediyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,kadib markii shalay uu ka qeyb galay Barnaamijka Dooda Jimcaha ee ka baxa laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.
Wasiir Saleebaan Koorre ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhibaatooyin badan ku heyso shacabka Soomaliland,isla markaana ay dooneyo dhibaato hor leh inay abuurta iyo Colaad raagta.
Sidoo kale Wasiir Saleebaan Koorre ayaa waxaa uu Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in uu doonayo in Shacabka Somaliland uu Qalin ku xasuuqo,taasina ay tahay wax aan la aqbali karin.
“Addeerkaa (Siyaad barre) ayaa qori ku xasuuqay Somaliland adiguna waxa aad dooneysaa in aad Qalin ku xasuuuqdo waa wax aan la aqbali Karin.” ayuu yiri Wasiir Saleebaan oo la hadlaayay BBC-da.
Wasiirka Saleebaan Yuusuf Cali ayaa waxaa uu ka hadlay arrimaha dowladda Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay Jamhuuriyadda Guinea,halkaasi oo uu dhawaan safar shaqo ku tegay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Hadalka Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Maamulka Somaliland ayaa waxaa uu kusoo adayaa,iyadoo dhawaan dowladda Soomaaliya si rasmi ah u shaacisay inay xiriirka u jartay Jamhuuriyadda Guinea,kadib markii Madaxda dalkaas ay soo dhaweeyn heer sare ah u sameeyeen Madaxweynaha maamulka Muuse Biixi Cabdi.
Hoos ka Dhageyso Codka Wasiirka Saleebaan Yuusuf Cali Koorre.