Askari ka tirsan Ciidan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gudaha Magaalada Muqdisho waxaa uu Maanta ku dilay Darawal Mooto Bajaajle ahaa,isagoona dhaawacay Ruux la socday.
Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ayaa u sheegay in falka isugu jiray dilka iyo dhaawac uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Bakaaraha,isla markaana uu geystay Askari ka tirsan Ciidanka dowladda.
Sidoo kale waxaa la sheegay in falka uu yimid,kadib markii Askariga dilka geystay Mooto uu saarnaa ay Biyo ku firdhisay Mootada uu waday Marxuumka geeriyooday.
Goobta uu falkaas ka dhacay ayaa si deg deg ah waxaa uga baxsatay Mootadii uu saarnaa Askariga,waxaana halkaas ka qaaday Meydka Darawalka dad shacab ahaa oo xiligaas goobta ka Agdhawaa.
Dhinaca kale Ruuxii uu dhaawac uu soo gaaray ayaa waxaa looga qaaday mid kamid ah Goobaha Caafimaadka ee ku yaalla Magaalada Muqdisho,si xaaladiisa Caafimaad loogu dabiibo.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliy ayaa waxaa saakay ka da’ay Roob,waxaana mararka qaar dhacda in Biyaha roobka ee Wadooyinka yaalla, gaaraan dadka wadada isticmaala iyo kuwa kale ee saaran gaadiidka aan Muraayadaha laheyn.