Dowladda Federalka ayaa la filayaa inay muddo 6 bilood gudaheeda ku dhisto Guddigaasi, si looga hortago inuu hubka u gacan kale Kooxaha kale.
Urur-gobaleedka IGAD ayaa ku dhaqaaqay Qorshahaasi, kadib, markii ay xubno ka kala socday DFS, IGAD iyo Xarun Gobaleedka ka-hortaga hubka ee RESCA Kulamo La-tashiyo oo dhinaca Siyaasadda iyo Farsamadda ku yeesheen magaalladda Muqdisho.
DFS ayaa la filayaa inay muddo 6 bilood gudaheeda ku dhisaan Guddiga Qaran ee qoryaha iyo hubka Fudud, si loo xoojiyo Kontoroolka Milkiyadda Hubka iyo Rasaasta ee Xuduudaha Somalia.
Qoraal ka soo baxay Urur-gobaleedka IGAD ayaa lagu sheegay haddii la xoojiyo xakamaynta hubka inay taasi horseedi doonto in Mustaqbalak somalia laga qaado cunaqabataynat hubka ee saaran
IGAD waxay kaloo sheegtay inay iska cadahay muhiimaddaha ku aadan Qorshaha Xilliga Kala-guurka ee milkiyadda Ammaanka iyo qaba-dhismeedka Ammaanka Qaranka ee Somalia.