Dhageyso:-Wasiir ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo Goordhow is casilay

Waxaa Magalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay Goordhow Shir Jaraa’id ku qabtay wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Casaiis Xasan Maxamed (laftagareen)

Waxa uu sheegay in Maanta oo ay taariikhdu tahay 5/11/2018 uu iska casilay xilka wasiirnimo ee uu ka haayay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,isaga u taagan xilka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“Aniga oo ticraacaya shuruudihii ay soo saareen guddiga doorashooyinka koonfur Galbeed ee ahaa in qof xihaayo uusan tartami Karin ayaa sidaasi isku casilay,waxan u mahad celinayaa Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xilkaan horay iigu dhiibay iyo dadkii aan isla soo Shaqeynay ayuu yiri Laftagareen.

Cabdi Casaiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa hoiray u tartamay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka,waxana xilligaa suu iska casilay xilka wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga,isla markaana uu waayay xilkii uu u tartamay waxaana intaasi kaidb loo Magacaabay Wasiirka Tamarta  Biyaha ee Xukuumada Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor