Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Fitaax Ibraahim geeseey ayaa hadalkaan sheegay xilli Maanta uu ka qeyb galayay Barnaamij looga hadlayey sidii Shaqa abuur loogu sameyn lahaa Dhalinyarada Soomaaliyeed.
Wasiir Cabdi Fitaax ayaa sheegay in tirada iyo cid walba oo dowladdu dooneyso in ay Shaqaaleysiisi ay iyagu Go’aan ka gaari doonaan.
“Deeqa Caalamka oo Hay’addo noo soo marsiin jirey,ka dibna ay noo qori jireyn Shan qof iyo Boqol qof weey dhammaatay anaga ayaan go’aan ka gaareyno hadii Kun qof ama Boqol qof aan Shaqaaleynineyno mana jirto cid noo yeerineyso ayuu yiri Wasiirka Howlaha guud iyo Guryeynta Soomaaliya.
Habeen ka hor ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxa uu amray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in la Shaqaaleysiiyo Kun Dhalinyaro ah,waxana manta bilaawday qorshihii lagu fulin lahaa amarkaas.
Hoos KA Dhageso Codka Wasiirka Howlaha guud iyo Guryeynta Soomaaliya.