Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo Maanra shir Jaraa’id ku qabtay Magalada Muqdisho ayaa ka hadlay hanaanka gedi socodka dhaqaalaha dalka,isaga oo sidoo kale soo hadal qaaday dilalka ka dhaca Magalada Muqdisho.
Wasiir Beyle ayaa sheegay in inta badan dilalka ay keenaan Shaqa la’aanta wadanka ka jirta iyo in qof walba uusan heyn halka uu u jeeheysan lahaa.
Hayeeshee uu sheegay in qof walba oo Soomaaliyeed hadii uu ogyahay meel uu u Shaqa tago ama uu ka helayo Nolol maameedkiisa ay wax walba oo dhibaato ah ay dhammaanayaan.
Waxa uu sheegay in dilalka mar walba dhacaya ama dadka isdilaay dhexdooda ay u keeneyso dhaqaala daro heysata.
Dhageyso Codka Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.