War goor dhow nagasoo gaaray gobolka Gedo ayaa waxa uu sheegayaan in qarax xoogan uu ka dhacay degmada Ceelwaaq.
Qaraxa oo aanan la garanayn nooca uu ahaa ayaa la sheegay inuu ka dhacay maqaayad shaaha laga cabo oo ku taala degmada Ceelwaaq, waxayna maqaayadda uu qaraxa ka dhacay ay u dhowdahay saldhig booliis oo ku yaala degmada Ceelwaaq.
Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in qaraxa ay ku dhaawacmeen tiro dad ah in kastoo aanan la xaqiijin Karin tirada saxda ah ee dadka ku dhaawacmay qaraxa.
Wixii warar ah ee kasoo kordha kala soco Radiodalsan.com.