Wasiirka Wasaarada Cadaalada dowlada federaalka ah ee Soomaaliya Avv Xasan Xuseen Xaaji ayaa waxa uu sheegay in muwaadiniinta Soomaliyeed ay dhibaato ku qabaaan maxkamadaha ka jira dalka
Wasiirka ayaa waxa uu tilmamay in muwaadiniinta Soomaaliyeed aysan awoodin qarashaadka ku baxaya maxkamadaha maadaama qareenada u doodya muwaadiniinta ay u baahan yihiin in ay helaan qarashaad.
Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray dadka qaar ay yihiin sabool aysan awoodin qarashaadka lasiiyo qareenada ,isla markaana qareen la’aan ay maxkamadaha dacwad aysan qaadi Karin qareenadana maadaamda ay u doodayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed
Wasiirka ayaa sheegay in muwaadinka la soo eedeeyay uu xaq u leeyahay in uu helo qareen u dooda wasaaraduna ay ku dadaaleysaa sidii ula xaajoon laheyd hay’ada UNDP iyo hey’adaha kale si qarashaad ay dowladu ugu heli laheyd looguna bixin lahaa kaalmo sharci ah.
Hadalka wasiirka ayaa wxa uu ku soo aadaya xilli Dadka Soomaliyeed ay ka cawdaan maxkamdaha ka jira dalka halka qaarkod ay sheegaan in aysan awoodin qarashaadka ku baxa qareenada ay qabsadaan hadii ay wasaarada cadaalada ay hergaliso arinkaan ay noqoneyso in muwaadiniinka Soomaaliyeed ee aan awoodin ay helaan cadaalad iyo qareeno u dooda.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Cadaalada Soomaaliya Avv Xasan Xuseen Xaaji.