Duhurnimadii Arbacada Maanta ah ayaa  ciidamada amniga Soomaaliya waxa ay laba ruux oo bustoolado ku hubeysnaa ay ku toogteen suuqa Bakaaraha ee degmada Howl-wadaag gaar ahaan agagaarka Xarunta Dahabshiil ee suuqaa.
Toogashada ayaa dhacday kadib markii labada qof ee la dilay ay isku dayeen inay ka baxsadaan ciidamada amniga oo joojiyey sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdulcasiis Cali Ibraahim Xildhibaan.
Sidoo kale waxa uu Sheekh in raggaas ay donayeen in ay dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed balse Ciidamada amnigu ay kahor tageen sida uu hadalka u dhigay.
Dhinaca kalena, maalmihii lasoo dhaafay dilal kala duwan ayaa ka dhaceyey magaalada, kuwaasi oo ay sheegteen Al-Shabab iyo Daacish.
Hoos Ka Dhageyso Codka Cabdulcasiis Cali Ibraahim Xildhibaan, oo ah Afhayeenka Wasaaradda amniga Soomaaliya.