Maanta waxa Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay ka dhacay kulan ay lahaayeen Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed kaas oo ahaa mid lagu soo xiray Kulanka ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo haatan fasax galaya waxka bedelna loogu sameeyay qaabka ay u dhaceyso doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa isbitadal lagu sameeyay shuruuc ka mid ah Dastuurka Maamulkaas oo ahaa in Shaqsiga Madaxweyne ka noqonaya Koonfur Galbeed ay dooranayaan Odayaasha Dhaqanka kaas oo laga dhigay in ay dooran doonaan Xildhibaanada Maamulkaas.
Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa Cod u qaaday cidda dooraneysa Madaxweynaha soo socda Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya iyada oo ay kulanka xaadir ahaayeen 113 Mudane,waxana 110 ka mid ah ay u codeeyeen in Doorashada soo socota Madaxweynaha ay baarlaamnka ku dooran doonaan cod hal dheeri ah.
Shariif Sheekhunaa Maye Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koonfur  ayaa sheegay in doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ay dhaceyso Gudaha Sanadkaan gaar ahaan 17 Bisha November ee Sanadkaan oo ku began afar Sano kadib markii la doortay Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadn.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Sheekhunaa Maye oo soo xiray kal-fadhiga ee Baarlamaanka koonfur Galbeed kaas oo haatan fasax galaya.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Shariif Sheekhunaa Maye.