Dhageyso:-Wafdi ku wajahan Degmada Marka ee Shabeellaha Hoose

Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ku wajahan Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa waxaa Safar uu ku tegayo Marka waxaa ku wehlin doono Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka iyo xubno kale oo kamid ah dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdullaahi Cali Axmed Waafow oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ayaa u sheegay in Degmada ay u diyaar garowday soo dhaweeynta Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo wafdiga ka  socda dowladda ee kusoo wajahan Degmadaas.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Guddoomiye Waafow in lagu soo wargeliyay in wafdigaas ay u soo socdaan Marka,isla markaana ay sameeyaan diyaar garoow ballaaran oo lagu soo dhaweeynayo.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu sheegay Guddoomiye Waafow in amaanka Marka haatan uu yahay mid aad u waanagsan,isla markaana sugida amniga ay iska kaashanayan Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa maamulka Degmada Marka.

Sikastaba Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa haatan ku sugan Degmada Xudur ee Gobolka Bakool,isagoona halkaasi ka xarig jaray Mashaariic kala duwan oo laga hergeliyay degmadaas.

Hoos ka Dhageyso Codka Guddoomiye Waafow.

Comments
Loading...