Dad ku geeriyooday Shil ka dhacay Hindiya

Ugu yaraan 29 qof ayaa ku geeriyootay, 18 kalena wey ku dhaawacmeen Bas waaberigii hore ee saakayto ku qalibmay meel ku dhow Degmadda Agra ee Gobalka Uttar Pradesh ee Waqooyiga dalkaasi.

Afhayeenka Dowladda Hindiya, Awanish Awasthi ayaa sheegay in Baskaasi oo xawli ku socday uu ku dhacay Biraha Waddooyinka dhinacooda ka sameysay ee loogu talagalay inay maraan dadka lugeynaya.

Inta badan rakaabkii la socday Baska ayaa la sheegay inay hurdayeen xilligii uu shilku dhacayey, wuxuuna Baska ku wajahnaa caasimadda dalkaasi ee New Delhi.

Baska oo ay lahayd shirkadda Basaska ee Yamuna Expressway waxa uu ka soo ambabaxay  magaalladda Lucknow oo ah Caasimadda Gobalka Uttar Pradesh.

Afhayeenka Dowladda Hindiya, Awanish Awasthi waxa uu tilmaamay inay Boliska baarayaan waxa sababay shilkaasi.

Dalka Hindiya waxa uu leeyahay waddooyinka ugu dhimashadda badan ee Calaamka, waxaana shilalkaasi sannadkiiba ku geeriyoota 150,000 oo qof, halka 470,000 oo kalena ku dhaawacmaan.

Inta badan shilalkaasi waxaa loo aaneeyaa khibrad-xumida Dareewaladda, Waddooyinka oo aan hagaagsanayn iyo gaadiidka laga isticmaalo dalkaasi oo wada duug ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media