Dad ka barakacay xaafaddo ka tirsan Magaalada Muqdisho

Qaar kamid ah dadkii deganaa Xaafadda Siigaale, agagaarka mowlaca Macalin Nuur iyo xaafaddo kale oo ku teedsan kana tirsan degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa arroornimadii hore ee saakay halkaas isaga barakacay.

Dadka deegaanka ayaa waxaa la sheegay inay soo wajahday casbi xoogan, kadib markii ay dareemeen dha-dhaqaaqyo ay Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim ka wadaan Ciidanka dowladda iyo kuwa kasoo horjeeda muddo kororsiga Madaxweyne Farmaajo.

Sawirro iyo muuqaalo laga soo qaaday dadka barakacaya ayaa la arkayay Hooyooyin iyo Carruur kor u sita Alaab yar oo ay ka qaateen guryahoodii ay daganaayeen, iyagoona aaday xaafaddo kale oo ka tirsan Gobolka Banaadir.

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa dhufeyso iyo Carro-tuur Ciidamo ay hoggaminayaan Jeneraal Jaadaq Joon iyo Indhacaday ka sameeysteen Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim iyo xaafaddo kale oo ka tirsan Hodan, waxaana halkaas ka jirtay xaalad cabsi dagaal.

Sidoo kale dad la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in xalay dhaq-dhaqaaq Ciidan laga dareemay wadada Maka Al-mukarama ee Muqdisho, kadib markii halkaas ay dowladda Federaalka geeysay Ciidamo isugu jira Booliska Haramcad iyo Gor-gor.

Xalaadda Mgaalada Muqdisho ayaa haatan degan, isla markaana waxaa jiro abaabulo kala duwan oo ay sameynayaan Ciidanka dowladda Federaalka iyo Ciidanka Mucaaradka ee kasoo horjeeda muddo kordhinta loo sameeyay Madaxweyne Farmaajo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor