Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in laga doonayo dhamaan dhalinyaarda Soomaaliyeed iyo cidkasta oo ku nool Gobolkaan Banaadir in uu ka qeyb qaato bilicda iyo Nadaafada gobolkaan Banaadir.
Wax uu sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu Shacbka ka qaado Canshuur taas oo dib loogu celin doono dadka laguna qaban doono baahidooda sigaar ah dhanka Bilicda iyo Nadaafada gobolka Banaadir.
Hadalkaan ayaa Gudoomiye Thaabit waxa uu sheegay xili isaga iyo masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ay gelinkii dambe ee shalay ay booqdeen Waaxda Xalane ee degmada Wadajir halkaas oo ay ka socdaan howllo Nadaafadeed.
Hoos Ka Dhageyso Codka gudoomiye Thaabita