Mudo 5 Maalmood kadib Magacaabistii Golaha Wsiirada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya waxaa ku dhawaaqay in uu iskacasilay xilkii looga magacaabay Wasiirkii Hawlaha Guud iyo Dib u Dhiska Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Eng,Saalax Sheekh Cusmaan oo ka mid ahaa Wasiiradaaas.
Eng, ayaa horay uga soo qabtay dowladdii hore isla xilkaan,waxana uu ku sheegay in uusan waxba ka ogeyn Magacaabistaan.
War Qoraal ah oo uu soo dhigay Barta uu ku leeyahay Facebook ayuu ku shaaciyay Warkaan.
Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka
War Saxaafadeed :In anaan qaban Xilkaas
Isbadal ayaa dhawaan lagu sameeyay Golihii Wasiirada Dawlad Goboleedka K/Galbeed, wajiyada cusub ee Maamulkaasi lagu soo kordhiyay ayaa magaceyga ka dhex arkay, anigu xilligaan Wadanka waa ka maqan ahay, hawlo Qaran ayaa u joogaa Dalka dibadiisa, dadaal waxtar leh oo Soomaaliya lagu hormarinaayo ayaa ku hawlan ahay.
Mabda’ ahaan waxaa iga go’an inaan mar walba u adeego ummadda Soomaaliyeed, wey mahadsan tahay ciddii aniga oo maqan xilkaasi igu sharaftay, marka aan qiimeeyay marxalada la joogo waxaa ii soo baxday inaan qaban xilka laygu magacaabay ee ah Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dib u Dhiska Dawlad Goboleedka K/Galbeed sabbabo jira awgood.
Anigoo jecel Qaranimada, Wadajirka iyo Horumarka bulshada Soomaaliyeed ayaa guud ahaan shacbigayga waxan u rajaynayaa Nabad, Guul iyo Barwaaqo.
Mahadsanidiin