Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Gen: Bashiir Maxamed Cabdi Ameeriko oo la hadlayay boqolaal ka mid ah dhalinyarada ku shaqeysata bajaajta oo maanta dibadbax ka dhigay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in la xiray taliyihii xukumayay askariga dilka gaystay barqanimadii maanta.
Waxa uu sheegay in cadaaladda la hor keenayo gacan ku dhiiglaha sidoo kalana ay uga tacsiyaynayaan dhamaan umadda Soomaaliyeed iyo qoyskii ay ka baxeen labada qof ee ehelka ahaa ee la dilay.
“Booliiska ee taagan adinka ayaay idiin shaqeeyaan amnigiina ayay sugaan amniguna waa nolosheena oo dhan,hadii ay wax dhacaan waa laga daba tegaa ninkii sarkaalka ka ahaa waa xiranyahay kan kalana waan keenaynaa Ehelkii uu ka dhintayna Samir iyo iimaan allaha kasiiyo adinka oo dhana Samir allaha idinka siiyo saaxiibkiin xaqoodiina meel ayaanu saaraynaa ayuu yiri taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeedâ€
Barqanimadii maanta ayay aheyd markii askari ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliya uu darawal Mooto Bajaaj uu ku dilay Isgooyska How-wadaag ee magaalada Muqdisho dilkaas oo sababay dibadbaxyo hareeyay qeybo badan oo ka mida Magaalada.
Halkaan Ka Dhageyso Codka Taliyaha