Warar haatan soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka una badan Xildhibaanada wasiirada ah uu shir uga socdo Xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho.
Kulanka ayaa ka dambeysay kadib markii tiro Xildhibaano ah ay Galabta guddoomiyaha Golaha Shacabka u gudbiyeen Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo.
Wararka qaar oo hataan soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in Xildhibaanada ay mooshin ka dhan ah guddoomiye Mursal u gudbiyeen Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabduweli Ibraahim Muudeey.
Xaalada Caawa ee Magalada Muqdisho ayaa laga dareemayaa saameynta ka dhalatay mooshinka ay Xildhibaanadu sheegeen inay ka gudbiyeen Madaxweynaha Soomaaliya,waxaana socda kulamo gooni gooni ah.