Wasaaradda Difaaca ee dalka Azerbajaan ayaa sheegtay inay iska waabiyeen ku-dhawaad 40 Askar u dhalatay dalka Armeniya, kuwaasi oo isku dayey inay ka soo gudbaan xuduudka u dhexeeya labada dal.
Wasaaradu waxay sheegtay inay Ciiddankooda qaadeen Tallaabooyin Degdeg ah, si ay Ciiddanka Armeeniya ugu khasbaan inay dib ugu laabtaan dhanka xuduudka dalkooda.
Dhinaca kale, Dowladda Armeeniya waxay beeniyeen arrintaasi, oo ay ku tilmaameen sheegasho qaldan oo lagu qaldayo Ra’yul Caalamka.
Colaad sanadkii hore labada Ciiddan ku dhex martay Gobalkii lagu murunsanaa ee NAGOORO KARABAAKH waxay Ciiddanka Azerbajaan ku guuleysteen inay la wareegeen guud ahaan Gobalkaasi.