Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay sababta keentay inay mamnuucaan soo dejinta waxyaabaha maanka dooriya iyo taabuuk=ga.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dalka ay ku soo bateen waxyaabaha maanka dooriya,sida Taabuuka iyo Daroogada kale oo uu Khamriga ku jiro.
Waxa uu sheegay in dhamaan waxyaabahaas oo ah kuwo cudur laga qaado ay wasaaradda mamnuuceyso in la soo dejiyo.
Hayeeshee uu sheegay in sidoo kale wasaaraddu mamnuuceyso Bacaha arrintaasna uu kala hadlay Wasiirada Ganacsiga Maamulada Puntland iyo Jubbaland.
Ugu dambeyn sababta loo mamnuucay ayuu ku sheegay inay tahay in waxyaabahaas ay dhibaato ku hayaan Dhalinyarada Soomaaliyeed,isla markaana cuduro kala duwan ay ka qaadaan.
Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa;id ee wasiirka Ganacsiga Soomaaliya.