Gudigii doorashooyinka Puntland aya maanta ku dhawaaqay in ay iscasileen kadib shir jiraa’iid oo ay u qabteen warfidiyeenada iyaga oo sidoo kalana faah faahin ka bixyay sababta.
Xubnaha gudiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa maalma ka hor waxa ay la kulmeen madaxweynaha Puntland Siciid C/llahi Deni,waxaana ay kala hadleen cabashooyin la xiriirta shaqada loo igmaday.
Masuul u hadlay gudiga ayaa sheegay in ay u mahadcelinayaan shacabka reer Puntland waxaa kale oo uu tilmaamay in gudigu warqadooda iscasilaadda ay u gudbiyeen madaxweynaha isla markaana uu ka aqbalay sida ay hadalka u dhigeen.
Halkaan Ka Dhageyso Codka