Boliska Ethiopia ayaa la sheegay inay xabsiga dhigeen 56 xubnood oo ka tirsan Xisbiga Amxaaradda ee “the National Movement of Amhara” NMA, kadib, markii uu dhawaan fashilmay Afgembi ka dhacay Dowlad-gobaleedka Amxaaradda ee dalkaasi.
Afhayeenka Xisbiga NMA, Christian Tadele ayaa waxa uu maanta u sheegay Wakaalladda Wararka REUTERS inay qabqabashadaasi ka dhacday caasimadda dalkaasi ee Addis Abeba.
Boliska dalkaasi iyo Xafiiska Ra’isul-wasaare Abiy Ahmed kama aysan jawaabin codsi ku aadan inay faahfaahin ka bixiyaan Siyaasiyiinta Amxaaradda ee lagu xiray Addis Abeba.